Ujeedooyinka Loo aasaasay waaxda horumarinta Caafimaadka Xoolaha ee Wasarada Xanaanada Xoolaha
Horumarinta iyo kor u qaadidda caafimaadka xoolaheena.
- In bulshadeennu hesho cad iyo caano caafimaad qaba goor kasta
- Ka qayb qaadashadda kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha waddanka Jamuuriyadda Somaliland.
- Ka hortaga iyo la dagaalanka cuduradda faafa ee ku dhaca xoolaheenna una gudbi kara dadka.
- Aasaasidda shaybaadh casri ah, kaas oo lagu sameeyo Talaalka xoolaha iyo daawooyinka kala duwan ee loo la siiyo xoolaha.
- In la sameeyo shaybaadho heer calami ah, kuna qalabaysan qalab sare oo lagu baadhi karo xannuunadda xoolaheenna ku dhaca.
- In Dhakhaatiirteena xoolaha loo heli karo aqoon-korordhsi Caalamiya, si ay ula jaan-qaadaan Dhakhaatiirta caalamka.