Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa gaadhey xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Masuuliyin ay ka mid yihiin G.Xigeenka Gobolka Sanaag Xoghaya Gobolka Saraakiisha Ciidamada Ganacsato iyo Bulsho weynta G.Sanaag ayaa kuso dhaweeyey Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka xanaanada Xoolaha Siciid Sulub maxamed.    Ujeedka Weftiga uu horkacayo Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa daaran dhagax dhigga Dekadda Maydh malinta bari ee bishu tahay 20/12/2020