#Hargeysa:- (Axad 30-07-2023 ) Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL Md Siciid Sulub Maxamed ayaa kulan la qaatay Mrs Carola Van Morstein oo ah Madaxa Mashrruca RDRM ee Hay’ada GIZ Somaliland .
Waxana kulankani daaranaa xogwaran wasiirka ay ka siiyeen halka uu marayo mashruucani (RDRM) kaasi oo ku taxaluqa caafimadinta xoolaha iyo halka ay marayaan mashaariicdaasi Caafimaadinta Xoolaha ee Hay’adu la wado isla markaasina kala shaqayso Wasaaradda.
Sidoo kale masuuliyiinta mashruucani waxay wasiirka uga xog warameen qorshayaasha Sanadka soo socda ay doonayaan inay kala shaqeeyaan Wasaaradda, Waxana kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale.
Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa isaguna geestiisa Madaxda Hay’ada GIZ iyo kuwa mashruuca Caafimaadinta Xoolaha uga mahad celiyay wadashaqaynta balaadhan ee ay Wasaaradda la leeyihiin gaar ahaan Mashaariicda kaabta xagga Horumarinta Caafimaadka Xoolaha, siiba kuwii Hay’adan iyo Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysigu oo iskaashanayaa ka hirgaliyeen Gobolada dalka oo ay markaasi buu yidhi ka hirgaliyeen Suuqyada Caanaha iyo Hilibka iyo weliba sidoo kale dadkii ay ku tabobareen Caafimaadka Xoolaha.
Ugu dambeyna wasiirku wuxu madaxda Hay’adani kula dardaarmay inay halkaa kasii xoojiyaan wadashaqaynta balaadhan ee ay Wasaaradda la leeyihiin.
 


ALLAA MAHAD LEH