
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed oo ay weheliyaan Wasiir Kuxigeenka iyo Aggaasimaha guud ee Wasaaradda, ayaa kullan la qaatay masuulyiin ka socda Haayada Cunta iyo Beeraha ee FAO.
Masuulyiinta Haayada FAO, ayaa Wasaaradda uga warbixiyay mashaariicda horumarineed ee Xoolaha, waxa kale oo ay si waafiya u sharaxeen qorshahooda dhow iyo qorshaha fog ee ku saabsan sidii ay Wasaaradda ugala shaqayn lahaayeen horumarinta Xoolaha.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa iyaguna dhankooda Haayada u soo bandhigay qorsheyaasha Xukuumada cusub iyo siday uga go’an tahay horumarinta iyo dardar galinta kaabayaasha horumarineed iyo suuq u raadinta dhoofinta Hilibka Xoolaha.
Waxaana masuuliyiinta Wasaaradda iyo Haayada FAO, isla qaateen inay wafti wada jir ah ugu baxaan Magaaladda Berbera si ay u soo kormeeraan Kawaanka Hilibka, Maxjaradda iyo Dekadda Dhoofka Xoolaha.
Ugu dambayn kullanka ayaa ku soo dhamaaday is af-garad iyo wada shayqayn.
Alla Mahad lleh