XAFLADA DAAHFURKA MASHRUUCA DAAWEYNTA XOOLAHA EE QAYBTA KA AH WAXQABADKA XUKUUMADDA EE 100-KA MAALMOOD.

Madaxwayne Ku xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ka Daahfuray Ololaha Daawaynta Xoolaha, oo la gaadhsiinayo Xoolo gaadhaya 500,00 - oo Neef.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed "Ololahan waxa laga fulin doonaa Waddanka oo dhan, waana fursad aynu kaga hortagayno kuna xakamaynayno cuduradda xoolaha, kana shaqaynayno horumarinta, Caafimaadka iyo Wax soo saar Xoolaheena"

Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi "Waxaan Samaynaynaa Olole Wayn oo aynu ku dawaynayno Xoolo badan, waxaana ka faaiidaysan doona..."

Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Axmed Cisman Jaamac 
"Waxaan aad ugu mahad naqayaa Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha, shaqadeenana halkaas ayaynu ka sii labalaabaynaa, waanan sii wadaynaa..."