Safarkii Wasiirada Laascaanood

Waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga JSL Md Siciid Sulub Maxamed ayaa galabta socod lug ah ku dhex maray gudaha magaalada Laas-Caanood . Wasiirka waxa galabta weheliya Wasiiradii kale ee safarka ku wehelinayay iyo qaar kamida madaxda iyo maamulka mas'uuliyiinta Gobolkan Sool . Wasiirada iyo masuuliyiintan kale ayaa la qaxweeyay isla markaasina la shaahay shacabkooda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool