"Dalka waanu ka joojinay Ganacsadaha Maxjarka Abu Yaasir in uu Xoolaha dhoofiyo"Wasiir Cumar Shuceyb

Wasiirka Wasaradda Xanaannada Xoolaha Jsl Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa ka joojiyey shaqadii Ganacsadaha Abu-yaasir oo qaab sharci daro ah kula kacay Xukumada Somaliland, isagoo ruqsado aan shaqaynayn u raadsaday Dawlada Somalia, taas oo u damcay in u ku shaqeeyo somaliland ruqsadaas, Somaliland-na aan laga ogolayn qorshahaas u wax ku doonayo